XOG: Ma Dhab baa In Donald Trump Uu Asalkiisu Yahay Baakistaani?

XOG: Ma Dhab baa In Donald Trump Uu Asalkiisu Yahay Baakistaani?

0
SHARE

Telefishanka caanka ah ee SKY News ayaa baahiyay Warbixin uu kaso xigtay Telefishan ku yaala dalka Baakistaan, waxaana Warbixintu ay sheegtay in Madaxweynaha 45-aad ee dalka Maraykanka Donald Trump ku dhashay dalka Baakistaan.

Magaca rasmiga ah ee Donald Trump ayaa Warbixintu ay ku sheegtay in la yiraahdo Daa’uud Ibraahim Khaan uuna ku dhashay Gobolka Wisiiristaan sanadkii 1946-dii.

Warbixinta ayaa waxaa ka dhexmuuqday sawir muujinaya in Donald Trump oo yar, waxaa sido kale lagu sheegay Warbixinta in Donald Trump Aabihii iyo Hooyadii ay ku dhinteen shil gaari, markaasi ka dibna uu nin u dhashay Hindiya uu geeyay dalka Ingiriiska, halkaas oo ay kula wareegen labadiisii waalid ee dambe oo u dhashay dalka Maraykanka sanadkii 1955-tii.

Wuxuu sidaa ku tagay dalka Maraykanka oo uu ku barbaaray illaa uu noqday Taajir dhaqaale badan haysta, hadana waa Madaxweynaha 45-aad ee dalka Maraykanka.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY