XOG: Maxaa Dhacaya Haddii Diyaarad Hawada Maraysa Albaabka Loo Furo?

XOG: Maxaa Dhacaya Haddii Diyaarad Hawada Maraysa Albaabka Loo Furo?

0
SHARE

Waa waxyaabaha ay ka dhalan karto Naxdin aad u badan, haddi diyaarad Hawada sare maraysa Albaabka loo furo, arrintan horay ma u dhacday, mase lagu sameeyay baaritaan waxa ka dhalan kara haddii Albaabka loo furo Diyarada oo Hawada duulaysa.

Sanadkii 2016-ka ayaa mid ka mid ah Rakaabka saarnaa Diyaarad u socotay Austarelia uu isku dayay inuu Albaabka furo, laakiin waxaa ka celiyay hawlwadeenada diyaarada waday.

Waxaa wixii waqtigaas ka dambeeyay la iswaydiiyay, haddiiba ay dhacdo in la furo Albaabka waxa dhici kara.

Waxaa soo baxay jawaabo ay ka mid tahay inaysan suuragal ahayn in la furo Diyaarada oo dabaysha Xoogga badan ee ay ku socoto aysan xattaa qofka adduunka ugu xoogga wayn u suuroobayn inuu furo Albaabka.

Laakiinse waxaa dhinaca kale soo baxay jawaab ah haddiiba la furo waxaa Diyaarada si xoog ah uga baxaya qofka furay oo dabayshu ay qaadanayso, waxaa xaqiiq ahaan jira in Albaabka wayn ee Diyaarada ay furi karaan oo kaliya hawlwadeenada Diyaarada wada, wuxuuna ku shaqeeya Koronto.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY