XOG: Maxaad Ka Taqaan Cunnooyinka Cimri Deg Dega Keena?

XOG: Maxaad Ka Taqaan Cunnooyinka Cimri Deg Dega Keena?

0
SHARE

Waxaa jira Cunnooyin kugu keenaya Cimi deg deg haddii aad isticmaasho, kuwaas oo jirkaaga kaso saaraya Calaamado Waayeelnimo ah.

Cunnooyinka ayaa Culumada Caafimaadku ay ka digeen in la cunno, waxaana Cunnooyinkan si joogto ah looga helaa Maqaayadaha.

Waxaa Cunnooyinkan ku jira kuwo aan helin dabkii loo baahnaa oo Dufanku uu ku badan yahay, isla markaana badalaya heerka dareere ee dhiiga qofka, taasi oo qofka u horseedaysa inuu jirkiisu uu Duuduubmo oo uu u ekaado Waayeel.

Hilibka la Warshadeeayey ee Qasacadaysan ayaa ka mid ah Cunnooyinka keena Cimri deg dega,waxaa Hilibkaa ku jira Maadooyn dhannaan oo illaaliya Hilibka si uusan wax isaga badalin, waxaa Hilibkan oo haddii aad badsato uu kugu keenayaa Cimri deg deg.

Bunka ama Kafeega ayaa ka mid ah Cunnooyinkaa, waxaa ku jira Bunka maadadad loo yaqaan  Konfiinka, taas oo xadiga biyaha ee ku jira jirka qalayl joogto ah ku samaysa, haddii aadan u helin Bunka biyihii loo baahnaa wuxuu kugu keenayaa Cimri deg deg.

Sido kale waxaa ka mid ah Cunnooyinka laga digay Hilibka Digaaga.

Cunnooyinka ay ku badan tahay Maadooyinka Kaarboon haydareedka ayaa ka mid ah, kuwaas oo Dhiiga kor u kiciya, macaanka oo jirka ku bata, taas oo keenta  jirka uu ku dhaganaan waayo maqaarka.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY