DEG DEG: Adeegga Internetka Koonfurta Soomaaliya Oo Dib Uso Laabtay

DEG DEG: Adeegga Internetka Koonfurta Soomaaliya Oo Dib Uso Laabtay

0
SHARE

Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah uu dib ugu soo noqday Internetka, xilli uu ka maqnaa illaa 25-kii bishii Juun.

Waxaa Adeegga Internetka ee maqnaa uu saamayn ku yeeshay Shaqooyinka Hay’daha, xafiisyada dowladda, Shirkadaha Ganacsiga , Xawaaladaha iyo Dadka shacabka ah oo aad ugu tiirsanaa.

Cillada ayaa timid markii uu Markab MSC Alice, oo la sheegay in laga leeyahay dalka Switzerland uu jaray Fiilada Fiber Optic-ga ee marta badda hoosteeda, gaar ahaan meel ku dhaw magaalada Muqdishu.

Waxaa Ganacsatada Koonfurta Somalia ay khasaareen 23 Million oo Doolar, mudadii uu maqnaa Internet-ka.

Waxaa dawlada Soomaaliya ay xirtay Markabkii jiiray Interneka, waxaana laga dalbaday lacag Magdhow ah, balse waa diideen shirkadii Markabka iska lahayd.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY