DEG DEG: Baarlamaanka Puntland Oo Ka Dooday Amaanka

DEG DEG: Baarlamaanka Puntland Oo Ka Dooday Amaanka

0
SHARE

Golaha Baarlamaanka Puntland, ayaa maanta ka Dooday amaanka Puntland, waxaana wali u socda Kalfadhigooda 39-aad.

Waxaa Xildhibaanadu ay Xukuumadda ku dhaliilen inay ka gaabisay inay si joogto ah u bixiso Mushaharka ciidamada Puntland.

Waxyaabaha aad loogu soo hadal qaaday Dooda ayaa waxaa ka mid ahaa Duulaankii Argagixisadu ay ku qaadeen Af-urur, dilalka qorshayn iyo qaraxyada mararka qaar dhaca.

Xildhibaanada Puntland ayaa Ciidamada ku amaanay doorka ay ku leeyihiin sugida amniga Puntland iyo sida ay markasta ugu taagan yihiin Illaalinta amniga guud ee Puntland.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY