DEG DEG: Imisa Xubnood Oo Shabaab Ah Ayaa Lagu Dilay Duqeynta Gobolka...

DEG DEG: Imisa Xubnood Oo Shabaab Ah Ayaa Lagu Dilay Duqeynta Gobolka Gedo?

0
SHARE

Afartan Xubnood oo ka tirsan Kooxda Shabaab, ayaa lagu dilay duqayn dhinaca Cirka ah oo ka dhacday degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Duqaynta ayaa waxaa lala beegsaday madal ay ku shirayeen Kooxda Shabaab, waxaana fuliyay diyaaradaha dagaalka ee dawlada Kenya.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji, ayaa sheegay in weerarka sidoo kale, ay ku dhinteen saddex ruux oo ajaanib ah oo mid kamid ah uu yahay Cadaan, halka labada kalena uu ku sheegay inay ahaayeen kuwa Afrikaan Madow ah.

Duqeynta oo ahayd mid culus ayaa waxay Diyaaradaha Kenya gantaallo ku garaaceen deegaan kale oo lagu magacaabo Funuje, oo qiyaastii 20KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Garbahaarey.

Ma jirto wax war ah oo dhanka Al shabaab kasoo baxay oo ku aadan Weerarka Dauqeynta ah.

Todobaadkii tagey Diyaaradaha Militariga Mareykanka ayaa weerar cirka ah ka fuliyay deegaanka Kuunya Barrow oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose, kaasi oo lagu dilay tiro Al shabaab.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY