DEG DEG: Madaxweyne Gaas Oo Ka Hadlay Facebook Iyo Saamayntiisa

DEG DEG: Madaxweyne Gaas Oo Ka Hadlay Facebook Iyo Saamayntiisa

0
SHARE

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay saamaynta uu Facebook ku leeyahay bulshada, isagoo dhinaca kalena muujiyay inuu ka mid yahay dadka Isticmaala.

”Anniga laftarkeygu desease-ban ku qabaa oo waxaa jira wax la dhaho Facebook, waxaa laga yaabaa qofka inuu 4saac ku jiro facebook, marka saddex facebook ha lagu jiro hal saacna buuga runta ah ha la akhriyo” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Wuxuu intaas ku daray”….Buuga waxbadan ayaa ka faaideysa laakiin facebook maxa ka faideysa, cay , qabyaalad , xumaan, xan , hada waxaaba ugu badan oo loogu jecelyahay cida waxa xun sheegta, marka aan ka guurno oo u guurno akhrinta buugta”.

Hadalkan Ayuu Madaxweynuhu ka sheegay xilli uu ka hadlayay Bandhiga Buugaag oo Garowe lagu daahfuray.

”Waa in buugaagta la iibsado waxay dhiirigelin u tahay qorayaasha , buuga aad iibsato xitaa caruurtada dhaxal ayeey u tahay, waxaan rabnaa sidoo kale inaan ku dhiirigelino dadka sponsors-ka ah inay usoo jeestaan, Bandhiguna waa inoo furanyahay waana mahadsantihiin” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Kiisaska ugu badan ee dawladu ay ka cabato ayaa ah kuwa Facebook ka dhaca, waxaana Xukuumadda saamayn ku leh Facebook.

Si kastaba ha ahate, Kiiskii ugu dambeeyay ee lagu xiray Wariye Kilwe ayaa ahaa mid la xiriira qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray.

www.puntland24.net

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY