DEG DEG: Sideed Xildhibaan Oo Ka Tirsan Dawlada Soomaaliya Oo Lagu Dhagan...

DEG DEG: Sideed Xildhibaan Oo Ka Tirsan Dawlada Soomaaliya Oo Lagu Dhagan Yahay

0
SHARE

Xeer Illaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir, ayaa soo jeediyay in muhiim ay tahay in dib loogu laabto Kuraasta Muranku ka taagan yahay ee Xildhibaanada Soomaaliya.

Kuraastan ayaa tiradoodu ay dhan tahay Sideed, waxaana Maxkamada sare ay go’aamisay in dib loogu noqdo.

Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay inaysan suuragal ahayn innaan wali la dhaqan gelin go’aanka kaso baxay Maxkamada Sare ee Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Baarlamaanka laga doonayo in ay tixgeliyaan oo ay maqlaan go’aanka Maxkamada ay gaartay dibna doorasho loogu celiyo Kuraansta ay tilmaantay maxkamada ee cadaalad darrada iyo Musuqa ku soo baxay.

“Waxaan taageerayaa go’aanka maxkamada sare ka soo baxay anaga ma dooneyno in aan u kala safano xildhibaanada baarlamaanka balse waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo cadaaladda oo dib doorasho xalaal ah loogu  celiyo kuraasta aan saxneyn ee baarlamaanka ku jira “ayuu yiri xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Ugu dmabayntii wuxuu Baarlamaanka faray inay si shuruud la’aan ah ku dhaqan galiyaan Amarka kaso baxay Maxkamada Sare ee Soomaaliya.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY