DEG DEG+SAWIRO: Ciidamo Ka Wada Tirsan Puntland Iyo Galmudug Oo Amaanka Gaalkacyo...

DEG DEG+SAWIRO: Ciidamo Ka Wada Tirsan Puntland Iyo Galmudug Oo Amaanka Gaalkacyo Sugaya

0
SHARE

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Camey, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Wasiiro ka socda labada maamul, saraakiil, madax ka socotey hay’adaha taageera labada maamul iyo dadweyne kale ayaa ka qayb galay Munaasabad ka dhacday magaalada Gaalkacyo, taasi oo looga hadlay Isku dhafka ciidamo ka kala socda Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo sugaya amaanka magaalada.

Waxaa Puntland iyo Galmudug ay ku heshiiyeen in labada ciidan ay ka shaqeeyaan amaanka magaalada, isla markaana ay  si wada jir ah u shaqeeyaan.

Sanadihii 2015 illaa 2016-ka ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay dagaal khasaaro geystay, kuwaas oo dhexmaray Puntland iyo Galmudug, balse hadda waxaa hadda socda dadaalo lagu hirgalinayo heshiisyo dhexmaray oo ku aadan ka shaqaynta amniga Gaalkacyo.

Ciidamada labada dhinaca ayaa maanta si rasmi ah tababar loogu furay, kuwaas oo marka uu uso dhamaado tababarku amaanka ka wada shaqayn doona.

Shirka ka dhacay Gaalkacyo ayaa daba socda shirar horay Gaalkayco uga dhacay oo amaanka looga hadlay.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY