DEGD EG: Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Ciidamo Tababar Uga Furay Gaalkacyo

DEGD EG: Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Ciidamo Tababar Uga Furay Gaalkacyo

0
SHARE

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa magaalada Gaalkacyo tababar uga furay ciidamo ka tirsan Puntland.

Ciidankan ayaa loogu tala galay inay sugaan amniga iyo La-dagaalanka Argagixisada magaalada Gaalkacyo.

Camay oo la hadlay ciidanka, ayaa sheegay in lagu hanwayn yahay, lanba filayo inay waajibaadkooda gutaan marka uu tababarku uso dhamaado.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay u baahan tahay amni iyo kala dambayn dhamaystiran.

Wuxuu ugu baaqay Galmudug inay kala dhaqayso amaanka magaalada, ayna iska kaashadaan.

Ugu dambayntii wuxuu sheegay in ciidankan ay sido kale ka qayb qaadan doonaan hirgalinta heshiiska ay wada gaareen Puntland iyo Galmudug.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY