Maxaan Ka Ogaanay Daacishta Ku Sugan Buuralayda Degmada Qandala?

Maxaan Ka Ogaanay Daacishta Ku Sugan Buuralayda Degmada Qandala?

0
SHARE

Puntland, ayaa dhowaan sheegtay inay soo afjarayso Kooxda Argagixisada ah ee Daacish ee ku sugan Buuralayda Qandala ee gobolka Bari.

Puntland24 ayaa ogaaday in Kooxdan ay dhibaato ku hayaan bulshada reer guuraaga ah ee ku dhaqan duleedka degmada Qandala iyo deegaanada Kaabiga ku haya Buuraha.

Wararka aanu helnay ayaa sheegaya in Kooxdan ay bilaabeen inay dadka ka qaadaan Xoolaha, isla markaana ay u diidaan inay cabaan biyaha.

Ujeedooyinka ay sidan u samaynayaan ayaa ah in dadku uu ka barakaco deegaanka, isla markaana aan Xog laga helin, maadama ay og yihiin in dawlada iyo bulshadu ay wada shaqayso.

Ujeedka 2-aad ayaa ah inay marayaan xaalad bahalo qalad ah, isla markaana ay yihiin dad aan dhulka iyo deegaanka kala aqoon, una adkaysan waayay hanfiga, Gaajada iyo dhibta Buuraha ay ku jiraan.

Waxaa kale oo reer guuraaga ay waydiinayaan xiriirka kala dhexeeya bulshada, waxaana qaarkood ay ku eedeeyen inay dawlada la shaqeeyaan.

Mid ka mid ah reer Guuraaga Qandala ayaa codsaday in dawladu ay si deg deg ah wax uga qabato xaaladan, ayna diyaar u yihiin inay dawlada ka gacan siiyaan dagaalka ka dhan ah Daacish.

Kooxda Daacish ee Sheekh Muumin uu hogaamiyo, ayaa muddo ku dhow sanad ku jira Buuraha Qandala ee gobolka Bari.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY