Sidee Ula Xiriir Kartaa Markasta Ra’iisul Wasaare Khayre, Halkaan Ka Eeg?

Sidee Ula Xiriir Kartaa Markasta Ra’iisul Wasaare Khayre, Halkaan Ka Eeg?

0
SHARE

Waxaa Xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre uu sameeyay Ciwaan lagala xiriiro, waxaana arrintan aad loga hadal hayaa baraha ay bulshadu ku xiriirto.

Wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “Si aan u helno talooyinka iyo fikraddaha shacabka Soomaaliyeed, waxaan u baahanahay aragtidiina”

Email-kan oo cinwaankiisu yahay fariimaha@opm.gov.so  ayaa noqon doona cinwaan lagu diro fariimaha ay bulshada la wadaageyso Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale qoraal kale oo la soo dhigay barta Facebooka ee Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in fariimaha iyo talooyinka shacabka ka imaanaya ay kuwo wax badan ka bedeli kari xaalada dalka ku jiro.

Xukuumadda Xassan Cali Khayre ayaa lagu tilmaama Xukuumadii ugu wannaagsanayd ee soo marta Soomaaliya, waxaana mudadii ay shaqaynaysay ay qabatay shaqo wannaagsan.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY