XOG: Maxaa Soomaaliland Looga Reebay Miisaaniyada Dawlada Soomaaliya?

XOG: Maxaa Soomaaliland Looga Reebay Miisaaniyada Dawlada Soomaaliya?

0
SHARE

Maamulka Soomaaliland, ayaan qayb ka ahayn maamulada ku jira Miisaaniyada sanadka 2017-ka ee la horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdi Raxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in Miisaankiyadan ay khuseyso maamulada Xubnaha ka ah Federaalka xilligan, balse lagu dari doono Soomaaliland marka buu yiri uu guulaysto wada hadalka lagula jiro.

“Markii Siyaasadda laga heshiiyo ayaa lagu soo dari doonaa Somaliland Miisaaniyada, taasina waqti dheer ayay qaadanaysaa, sidaasi darteed Bajadka hadda waxaa lagu soo koobay shanta maamul goboleed ee kale, gobolka Banaadir iyo dowladda Dhexe,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Soomaaliland ayaa aaminsan inay tahay maamul ka Madaxbannaan Soomaaliya, waxaana jiray wada hadalo ay la galeen Xukuumadii ka horeeyay Xukuumadda Farmaajo, balse aan guulaysan.

Waxaa la filayaa in Xukuumadda Farmaajo ay dhowaan wada hadal la furto maamulka Soomaaliland.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY