XOG: Maxaad Kala Socotaa Shir Puntland Iyo Galmudug Uga Furmaya Gaalkacyo?

XOG: Maxaad Kala Socotaa Shir Puntland Iyo Galmudug Uga Furmaya Gaalkacyo?

0
SHARE

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa waxaa ka furmaya shir laba geesood ah oo u dhaxayn doona Puntland iyo Galmudug.

Shirka ayaa wuxuu daba socdaa heshiiskii horay laba dhinac ugu dhexmaray magaalada Gaalkacyo, waxaana looga hadlayaa sidii loo taaba gelin lahaa qodobada heshiiskii hore iyo sidii wax la isaga oran lahaa wixii kaso noqday.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb gali doona shirka oo furmaya maalinta bari hadduu ALLE idmo.

Inkasta oo Puntland iyo Galmudug ay wada gaareen heshiis, hadana laba dhinac waxay ku dadaalayaan sidii uu u hirgali lahaa, waxaana markasta ay muujiyaan inay diyaar u yihiin Nabada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo Cadaado ka iman doona ayaa saacadaha soo socda iman doona Puntland, kuwaas oo wada hadalada ka qayb galaya.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY