XOG: Muxuu Sameeyay Sarkaalkii Itoobiyaanka Ahaa Ee Ay Qabteen Jabhada ONLF?

XOG: Muxuu Sameeyay Sarkaalkii Itoobiyaanka Ahaa Ee Ay Qabteen Jabhada ONLF?

0
SHARE

Sannadkii 2008-dii ayaa waxaa dhacday in dagaalyahanka Jabhada ONLF-tu weerareen saldhigyadii Ciidanka Military-ga Ethiopia ee degmada dhagax-madow, dabeedna waxay la wareegeen dhammaan saldhigyadii Ciidanka.

Haddaba waxaa xiise-lahayd in ay qabteen nin Sarkaal ah oo Tigree ah oo weliba xilli yar uun ka hor qabashadiisa jaamacad kasoo baxay, sida caadiga ah markii uu ciidan qabto maxbuus dagaal (prisoner of war) waxaa iska caadi ah in su’aalo la waydiiyo, haddaba waxaa cajiib ahayd in markii su’aalo la waydiiyey ninkaas Sarkaalka ah Ee Tigreega ah uu ku jawaabay: “Anigu Qaranka Ethiopia waan u dhaartay, inaan sirtiisa bixiyana diyaar uma’ihi, waad idili kartaan waanad idayn kartaan!”.

Ninkaasi wuu ogaa inuu dulmi ku socdo, wuu ogaa inuu joogo deegaan iyo dad aan Ethiopia laga rabin, wuu ogaa in ay naftiisu khatar ku jirto, wuu ogaa inuu hal-mar-uun dhiman doono, wuu malayn-karay inuuna qoyskiisa iyo saaxiibadii dib ula midoobi doonin, laakiin haddana wuxuu ku qanci waayey inuu dhinto isagoo u muuqda qof liita ah oo khaa’inul-waddan ah.

Ugu dambayna waxaa la dilay isagoo gaal ah, daalim ah laakiin geesi ah oo qab-wayn oo ballan-yaqaan ah, intaasna anigu hadiyad uma-siinayee halgamayaashii ONLF qabtay ee haddana dilay ayaa u qiray. “Gaalka dil, gartiisana sii”

Waxay ila tahay, fawaa’idka qisadu qoraal uma baahna, qof waliba isagaa awooda inuu kala soo dhex-baxo.
Nuxurku wuxuu yahay: Waligaa ha aqbalin inaad qayrkaa isu dhiibto, xitaa haddaad naftaada ku waayi, (kuma jirto kolkaad baadil ku socoto)

W/Q Ismaaciil Cali Ismaaciil.

Faafin Puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY