XOG: Waqtiga Uu Farmaajo Imanayo Puntland Oo La Ogaaday

XOG: Waqtiga Uu Farmaajo Imanayo Puntland Oo La Ogaaday

0
SHARE

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kuso wajahan gobolada Puntland.

Puntland24 ayaa ogaaday in Farmaajo uu safarkiisa kuso beegayo xilliga ay Puntland u dabaaldagayso sanadguuradeeda 19-aad ee Aasaaska Puntland.

Waxaa Madaxweynuhu uu iman doona 28 illaa 29-ka bishan, waxaana socda qabanqaabada lagu soo dhoweynayo Farmaajo.

Puntland ayaa aad looga hadal hayay muddooyinkii ugu dambeeyay safarka uu Farmaajo ku imanayo, balse Puntland24 wuxuu fahansan yahay in Madaxda Puntland ay dalbadeen inuu safarkiisa dib u dhigo si uu ugala qayb galo Munaasabada ay u dabaaldagayso Puntland.

1-da Agoosto ayaa Puntland ay u dabaaldegi doonta sabadguuradeeda 19-aad ee kaso wareegtay markii dhidibada loo taagay Puntland.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY