XOG: Wax Ka Ogow Donald Trump Oo Fadeexeeyay Wadamo Carbeed

XOG: Wax Ka Ogow Donald Trump Oo Fadeexeeyay Wadamo Carbeed

0
SHARE

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo wareysi siiyay telefishanka CBN News ayaa soo hadal qaaday laba arimood oo aad loo hadalhayo,sababihii ku kalifay inuu ka qeybgalo shirkii Riyaad ee 54-ta dowladood loogu soo shiriyay iyo arinta go’doominta Qadar.

Madaxweyne Trump wuuu sheegay inuusan ka qayb galeen shirkii Riyaad hadii Sacuudigu uusan balan qaadin in balaayin doolar oo qandaraas ah la galaynin Mareykanka.

Arinta Qadar waxaa laga weydiiyay xidhiidhka Mareykanka iyo mustaqbalka saldhiga militari ee Mareykanka ku leeyahay dalka Qadar.

Trump oo ah nin aan waxba asturin ayaa sheegay hadii ay noqoto inay ka guuraan Qadar ay jiraan 10 dal oo soo jeediyay inay saldhig militari oo lacag la’aan ah udhisi doonaan.

Waxaa wax lala yaabo ah in 10 dal ay ukala tartamaan sidii saldhig militari oo lacag la’aan ah ugu dhisi lahaayeen Mareykanka iyadoo shucuubtooda ay la kacaa kufayaan shaqa la’aan iyo duruufo nololeed oo adag.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY