XOG: Yaa Duleedka Baydhabo Ka Afduubay Shaqaalaha Samafalka, Maxaase Lagu Doonayaa?

XOG: Yaa Duleedka Baydhabo Ka Afduubay Shaqaalaha Samafalka, Maxaase Lagu Doonayaa?

0
SHARE

Ururka Al-Shabaab, ayaa duleedka magaalada Baydhabo maalintii shalay ka qabtay shaqaale u shaqaynayay Hay’ad Samafal, kuwaas oo tiradoodu ay gaarayso todoba Xubnood.

Puntland24, ayaa ogaaday in Shabaab ay Madaxfurasho ku doonayaan shaqaalaha ay haystaan, waxaana ay doonayaan lacag dhan Laba Boqol Oo Kun Oo Doolar($200,000).

Waxaa Saraakiisha gobolka Baay ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in lagu sii daayo shaqaalaha la afduubay, waxaana socda wada xaajoodyo kala duwan.

Waxaa la filayaa in la sii daayo Shaqaalaha la haysto, isla markaana uu guulaysto dadaalka socda.

Shaqaalaha ayaa katirsan NGO Maxali ah, oo lagu magacaabo GREDO kaasi oo howlgalo samafal, oo nafaqeyn iyo quudin isagu jirta ka wado deegaano ku yaallo gobolka Baay.

Waxaa xusid mudan in shaqaalahan la afduubay xilli ay la socdeen gaaro NOAH ah, waxaana ay ka yimaadeen degmada Buurhakaba.

Shabaab ayaa Madaxfurasho kusi daaya shaqaalaha ay afduubtaan, ka dib marka loo fuliyo dalabooda dhaqaale.

Waxaa la xasuustaa in Al-Shabaab ay shaqaale ka afduubeen gobolka Gedo dhowaan, kuwaas oo markii dambe ay Madaxfurasho kusi daayeen.

www.puntland24.net

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY