XOG-WARRAN: Wax Ogow Afar Arrimood Oo Madaxweyne Farmaajo Uu Ka Samayn Doono Puntland

Madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maalinta bari oo Sabti ah imanaya magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Qabanqaabo balaaran oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha ayaa ka socota magaalada Garowe, waxaana aad loo sugay maniga magaalada.

Wafdi balaaran oo horu-dhac u ahaa safarka Madaxweynaha ayaa maalintii shalay gaaray magaalada Garowe, kuwaas oo ka socday Golayaasha dawlada.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Puntland qaban doona afar arrimood, kuwaas oo kala ah;

-Madaxweynaha ayaa ka qayb gali doona Munaasabada lagu xusayo sanadguurada Afraad ee kaso wareegtay markii Madaxweyne Gaas la doortay.

-Wuxuu Madaxwenuhu uu booqasho ku tagi doona qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland.

-Kulamo Siyaasadeed oo uu la qaadan doono Madaxda Puntland.

-Iyo kulamo uu la qaadan doono qaar ka mid ah bulshada.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogi doono Puntland wuxuu qaadan doona muddo afar maalmood ah, waana safarkiisi ugu horeeyay ee uu Puntland ku imanayo.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu baaqday Munaasabadii lagu Daahfuri lahaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, maadama qaybta Terminalka garoonka ay tahay qabyo, waxaana la dhamaystiray oo kaliya qaybta diyaaradu ku orodo iyo qaybo kale oo farsamo.

Hoos Ka Daawo Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Oo Calmo La Suray;

 

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment