Daawo Barnaamij Xiisa Badan Oo Ku Saabsan Soo Dhoweyntii Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhoweyn taariikhi ah loogu sameeyay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Soo dhoweynta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo, ayaa ahayd mid aad u wayn, waxaana ka qayb galay Madaxda dawlada iyo qaybaha kale ee bulshada ku dhaqan Garowe.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa aad ugu farxay soo dhoweynta loo sameeyay, waxaana uu mahadcelin u jeediyay bulshada Puntland.

Farmaajo ayaa muddo afar maalmood ah u sugnaan doona Puntland, waxaana uu safar dhulka ku mari doona deegaano ka tirsan Puntland.

Wuxuu noqonayaa safarkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku yimaado Puntland.

Hoos Ka Daawo Barnaamijka;

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment