Wax Ka Ogow Laba Arrimood Oo Madaxweyne Farmaajo Uu Ku Arkay Garowe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ku arkay laba qodob oo uu aad ula yaabay, kuwaas oo uusan filayn inuu ku arkayo magaalo ka mid ah Soomaaliya.

Labada qodob ayaa kala ah;

-In Puntland ay tahay meel amaan ah oo ls isku halayn karo.

-Iyo In Shacabka reer Puntland ay yihiin dad wadaniyiin ah oo dalkooda Soomaaliya jecel.

Madaxweyne Farmaajo aad ayuu ugu farxay safarka uu ku tagay Puntland, waxaana uu ka Cudur daartay inuu dhowr jeer dib u dhacay safaro uu Puntland ku iman lahaa.

Caawo wuxuu Madaxweynuhu ka qayb galayaa Munaasabada lagu xusayo sanadguurada Afraad ee kaso wareegtay markii la doortay, waxaana xilhayntiisa ka dhiman muddo sanad ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddo afar maalmood ah ku sugnaan doona Puntland, waxaana uu gali doona safarkiisi ugu dheeraa oo dhinaca dhulka ah.

Si kastaba ha ahate, soo dhoweyntii maalintii shalay Madaxweynaha Soomaaliya loogu sameeyay magaalada Garowe ayaa ahayd mid taariikhi ah.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment