DEG DEG: Maxaan Ka Ogaanay Dagaalka Soomaaliland Ay Kuso Qaaday Duleedka Magaalada Garowe?

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland, ayaa ka socda duleedka degamada Tukaraq ee gobolka Sool, ka dib markii Ciidamo ka tirsan Soomaaliland ay Weerar kuso qaadeen deegaanka Tukaraq.

Deegaanka Tukaraq ayaa fariisin u ah Ciidamada Puntlan, ka dib markii sanado badan ka hor Puntland laga qabsaday degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Illaa iyo hadda wax Xog ah lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, oo kuso aaday xilli uu magaalada Garowe ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Puntland ayaa Ciidamo badan u dirtay degmada Tukaraq, waxaana uu Weerarku ahaa mid lama filaan ah, kaasi oo Soomaaliland ay soo qaaday.

Waxaa magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ku sugan Isimo ka socda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaas oo doonaya inay ka kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Faahfahainta Warkan Dib ayaan Idiin kaso gudbinaynaa.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment