Toos U Daawo Munaasabada Lagu Daahfurayo Garoonka Diyaaradaha Ee Garowe

Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, ayaa waxaa ka socda Munaasabad lagu Daahfurayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, waxaana ka qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Puntland iyo Mas’uuliyiin kale.

Garoonka oo dhismihiisu uu socday muddo saddex sano ah, ayaa maanta waxaa Daahfuraya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wuxuu noqonayaa garoonkii 2-aad oo Puntland ay yeelato, kan kowaad ayaa ah garoonka magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Inta Munaasabadu ay socoto ayaa waxaa lag jeedin doona Khudbado kala duwan, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya oo Nastay ka dib uu jeedin doona Khudbadiisa.

Munaasabada lagu Daahfurayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, ayaa ah mid si wayn loso agaasimay, taasi oo ah Munaasabad aad u balaaran.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment