DEG DEG: Soomaaliland Oo La Wareegtay Gacan Ku Haynta Deegaanka Tukaraq Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kaso baxaysa dagaalka saaka Soomaaliland iyo Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Saraakiisha Ciidanka Puntland ee hogaaminaya dagaalka, ayaa sheegay in hadda xabadu ay joogsatay, isla markaana ay isu muuqdaan labada Ciidan.

Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Puntland Janaraal Jimcaale Jaamac Takar ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo kaso gaaray dagaalka saaka dhacay, waxaana uu ku tilmaamay inuu ahaa Weerar gaadmo ah.

Janaraal Jimcaale ayaa sheegay inay jawaab cad ka bixin doonaan duulaanka ay kuso qaaday Soomaaliland, waxaana uu xusay in saacadaha soo socda ay War heli doonaan.

Ciidamada Soomaaliland ayaa gabi ahaanba la wareegay deegaanka Tukaraq, waxaana Ciidamada uu hogaaminayo Janaraal Jimcaale ay yihiin kuwo ka baxay Garowe oo Gurmad ahaan u tagay.

Soomaaliland ayaa dhufaysyo ka samaysatay deegaanka Tukaraq, waxaana ay isu diyaarisay dagaal.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa horay u sheegay inuu dagaal ku qabsan doono magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Si kastaba ha ahate, duulaanka Soomaaliland ayaa kuso aadaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu ku sugan yahay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment