XOG DEG DEG AH: Wax Ka Ogow Saddex Sababood Oo Soomaaliland Ay Uso Weerartay Tukaraq

Soomaaliland ayaa saaka la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ka dib markii ay weerar kuso qaaday saaka.

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa gaaray nawaaxiga Tukaraq, waxaana ay doonayaan inay ka jawaabaan duulaanka Soomaaliland ay kuso qaaday duleedka magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Warbaahinta Puntland24, ayaa fahansan in saddex sababood ay ka dambayso arrintan;

-Soomaaliland oo ka hortagaysa Booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tagi lahaa maalinta bari degmada Taleex.

-Isimada Sool, Sanaag iyo Cayn oo kulamo looga hadlayo aayaha goboladaas xalay la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya.

-Iyo Soomaaliland oo aad uga carootay safarkii uu Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya uu ku tagay gobolka Sanaag.

Waxaa jiray qaban qaabo ka socotay Taleex oo loogu diyaargaroobayay soo dhoweyn loo sameeyo Madaxweynaha Soomaaliya safarka uu Taleex ku tagi lahaa maalinta bari.

Saraakiisha hogaaminaya Ciidanka Puntland, ayaa sheegay inay jawaab ka bixinayaan dagaalka Soomaaliland ay kuso qaaday dhulka Puntland, waxaana jirta xaalad aan cago adag ku taagnayn.

Ciidamada Puntland iyo Soomaaliland ayaa isu muuqanaya, waxaana mararka qaar ka maqlayaa Hubka culus oo ay isku ridayaan labada dhinac.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment