War Deg Deg Ah: Diyaaradaha Itoobiya Iyo Jabuuti Oo Ka Hawlgalaya Garoonka Garowe

Diyaaradaha Jabuuti Air iyo Itoobiyaan Airlines ayaa si rasmi ah uga shaqayn doona garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ee Caasimada Puntland oo maanta oo Isniin ah la Daahfuray.

Wakiilo ka socday dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa madasha lagu Daahfuray garoonka ka sheegay inay diyaradahoodu ay toos u iman doonaan magaalada Garowe.

Qunsulka Itoobiya u fadhiya Puntland Asmalaash ayaa sheegay in Itoobiya y go’aansatay in diyaaradeedu ay ka hawlgasho Puntland, waxaana uu sheegay in safarka diyaaradu uu noqond doono mid u kala gooshta Garowe iyo Itoobiya.

Warkan ayaa waxaa si wayn ugu sacab tumay dadweynaha ka qayb galay Munaasabada iyo Madaxda dawlada oo aad ugu farxay.

Diyaaradahan ayaa sido kale looga faa’iidaysan doonaa arrimo Ganacsi, kuwaas oo Badeecado ka keeni doona Itoobiya, halka sido kalena ay ka qaadi doonaan Puntland.

Garoonka Garowe ayaa noqonaya garoonka 2-aad ee Puntland ay yeelato, waxaana garoonka 1-aad uu noqday garoonka magaalada Boosaaso.

Si kastaba ha ahate, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah u Daahfuray garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment