Daawo: Maxaa Kaso Cusboonaaday Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool?

 

Ciidamada Soomaaliland ayaa saaka la wareegay gacan ku haynta deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ka dib markii ay weerar qorshaysan kuso qaadeen.

Ciidamo kooban oo joogay Kastamka Tukaraq ayaa goonbta ka baxsaday, waxaana Wararku ay sheegayaan inay u carareen jihada hortooda ahayd.

Mursal Cabdi oo ka mid ah bulshada ku nool Tukaraq ayaa sheegay in Ciidanka Soomaaliland ay iminka ku sugan yihiin deegaanka Tukaraq, waxaana uu sheegay inaysan Puntland wax jawaab ah ka bixin duulaanka lagu soo qaaday.

Wuxuu intaas ku daray in Ciidanka Puntland oo koobnaa laga gubay gawaari, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayen Ciidamo aad u yar.

Mursal Cabdi ayaa sheegay in Ciidanka Soomaaliland ay ka yimaadeen deeganka Gambara oo talis ay ku leeyihiin, waxaana uu sheegay in Puntland aysan doonayn inay difaacdo Tukaraq.

Wuxuu sheegay in Ciidanka qabsaday deegaanka ay ahaayen kuwo kooban oo ka yimi Gambara, waxaana uu xusay inuusan Xog ka ahayn khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Ciidanka Puntland ee laga qabsaday ee Tukaraq ayuu sheegay inay kala firxadeen, waxaana uu sheegay inaysan shacabku lahayn wax aragti ah.

Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Puntland Jimcaale Jaamac Takar ayaa sheegay inay jawaab ka bixin doonaan saacada soo socda duulaanka Soomaaliland.

Hoos Ka Daawo Waraysiga;

www.puntland24.net

 

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment