Madaxweyne Farmaajo Oo Daahfuray Garoonka Diyaaradaha Garowe+Sawiro

Madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta si rasmi ah u Daahfuray garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, ka dib Munaasabad balaaran oo garoonka ka dhacday.

Munaasabada lagu Daahfuray garoonka ayaa waxaa ka qayb galay Madax ka tirsan Golayaasha Puntland iyo Federaalka, Duplomaasiyiin iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Daahfuray garoonka, ayaa Puntland ku dhiirigeliyay hormarka ay samaynayso, waxaana uu sheegay in dawlada Soomaaliya ay ka go’an tahay inay gacan ka geysato hormarka maamul goboleedada.

Garoonka ayaa waxaa loogu magacdaray taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Marxuum Maxamed Abshir Haamaan oo dhowaan ku dhintay wadanka Maraykanka.

Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas oo ka hadlay Munaasabada, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa uga mahadceliyay kaso qaybgalkooda Munaasabada, waxaana uu sheegay in Puntland ay tahay Hooyada Federaalka.

Garoonka Garowe ayaa noqonaya garoonka 2-aad ee Puntland laga dhiso, waxaana ka horeeyay garoonka magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii 2-aad safar ku jooga Puntland, ayaa safarkiisu uu qaadan doona muddo laba maalmood ah.
Hoos Ka Daalaco Sawirada;


www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment