Daawo: Soomaaliland Oo Si Kulul Uga Hadashay Dagaalka Tukaraq” Dulqaadkii Waa Naga Dhamaaday”

Maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana ay sheegen in dagaalka uu yimi ka dib markii uu dulqaadkii ka dhamaaday Soomaaliland.

Wasiirka Warfaafinta SoomaalilandCabdi Raxaman Guri Barwaaqo, ayaa sheegtay in dhulkeeda lagu Xadgudbay, isla markaana la wareeray Isimo reer Sool iyo Cayn ah.
Waxay sheegen inaysan dulqaad dambe muujin doonin, ayna ka go’an tahay inay difaacdaan dhulkooda Soomaaliland.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa Soomaaliland ay sheegtay inay wado Carqalad, waxaana ay ka digtay in Xuduudaheeda la yimaado waa sida ay hadalka u dhigeene.Hadalka kaso baxay Soomaaliland ayaa kuso aadaya xilli maanta ay Ciidanka Soomaaliland la wareegen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ka dib dagaal muddo kooban socday.

Xukuumadda Puntland ayaan illaa iyo hadda ka hadlin arrintan, waxaana jira Ciidamo ay Puntland u dirtay Tukaraq.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id Ee Soomaaliland;

www.puntkland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment