Daawo: Wasiirka Amniga Puntland Oo Soomaaliland Uga Dacwooday Beesha Caalamka, Xilli Ay Tukaraq Qabsadeen

Xukuumadda Puntland ayaa ka hadashay weerarka Soomaaliland ay kuso qaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana ay ku tilmaantay arrin ay la yaabeen.

Wasiirka amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf, ayaa sheegay in Soomaaliland ay Xadgudub kuso samaysay dhulka Puntland, xilli buu yiri aan ku hawlanayn soo dhoweynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay dagaal kula jirto Argagixisada Shabaab, waxaana uu xusay inay u muuqanayso in Soomaaliland ay taageerayso Argagixisada.

Wasiirka amniga Puntland ayaa sheegay in socdaalkii uu ku tagay gobolka Sool uusan ahayn mid Siyaasadeed ee uu ahaa mid hormar ku saabsan.

Axmed Cabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay inaysan u arkayn Soomaaliland Cadow, waxaana uu sheegay inay adduunyadu ay la socoto xaalada ka socota gobolka Sool.

Ugu dambayn wuxuu sheegay inay Puntland is difaacayso, ayna isku filan tahay, waxaana hadalkiisa uu kuso aadaya xilli Soomaaliland ay la wareegtay deegaanka Tukaraq.

Hoos Ka Dhagayso Codka;

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment