DEG DEG: Puntland Oo Sheegtay Inay Xannuun Dareen Siin Doonto Soomaaliland

Puntland ayaa soo saartay Warsaxaafadeed ay uga hadlayso dagaalkii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo ay la wareegen Ciidanka Soomaaliland.

Warsaxaafadeedka kaso baxay Puntlanda ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu Carqaladeynayay safarka taariikhiga ah ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogo magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Puntland ayaa sheegtay in Soomaaliland ay Mas’uul ka noqonayso Cawaaqib xumada ka dhalata dagaal ka dhaca gobolka Sool.

Beesha Caalamka, dawlada Soomaaliya iyo dawladaha dariska ah ayaa Puntland ay u dirtay fariin ah inay si dhow ula socdaan xaalada gobolka Sool.

Tukaraq ayaa waxaa iminka gacanta ku haya Soomaaliland, waxaana Ciidanka Soomaaliland ay ka samaysteen dhufaysyo dagaal.

Si kastaba ha ahate, arrimahan ayaa kuso aadaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu doonayay inuu safar ku tago degmada Taleex.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka;

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment