UPDATE: Maxaa Ka Soconaya Madaxtooyada Puntland Ee Garowe?

Madaxtooyada Puntland ee Garowe, ayaa waxaa Caawo ka dhacaya Munaasabad lagu xusayo sanadguuradii 4-aad ee kaso wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Waxaa Munaasabada ka qayb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xubno ka tirsan Golihiisa Xukuumadda, Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dawlada iyo dadweyne kale.

Qabanqaabadii ugu dambaysay ee ,loogu diyaargaroobayo Munaasabada, ayaa ka socota Madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Mas’uuliyiinta ayaa caawo jeedin doona Khudbado kala duwan, waxaana la sugayaa Khudbada Madaxweyne Farmaajo iyo Gaas.

Kooxaha Fanka ayaa iyana diyaariyay Suugaan kala duwan oo ay ugu diyaargaroobayaan Munaasabada caawo, waxaana Munaasabadan la qabtaa sanadkii caawo oo kale.

Si kastaba ha ahate, Xukuumadda Puntland ayaa waxaa u haray muddo hal sano ah, waxana lagu wadaa in sanadka 2019-ka ay Doorasho dhacdo.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment