Daawo: Golaha Guurtida Soomaaliland Oo Kulan Deg Deg Ah Loogu Yeeray, Ka Dib Dagaalkii Taleex

Golaha guurtida Soomaaliland ayaa waxaa la isugu yeeray kulan deg deg ah ka dib markii maanta uu dagaal ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaas oo ay la wareegtay maamulka Soomaaliland.

Guurtida ayaa la balariyay maalinta Arbacada, waxaana arrintan ay kaso baxday shir guddoonka Golaha guurtida Soomaaliland, waxaana ay ka wada hadlayaan arrimaha gobolka Sool.

Xoghayaha guud ee Golaha guurtida Soomaaliland Cabdi Aadan, ayaa sheegay in Golaha lagu amray inay isugu yimaadaan shir aan caadi ahayn maalinta Arbacada ee toodbaadkan.

Shirka deg dega ah ee Golaha guurtida Soomaaliland, ayaa kuso aadaya xilli Xiisad Colaadeed ay kaso cusboonaatay deegaano hoostaga gobolka Sool, isla markaana deegaanka Tukaraq ay la wareegen Soomaaliland.

Si kastaba ha ahate, Soomaaliland ayaa doonaysa inay baajiso Safar uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tagi lahaa deegaanka Tukaraq.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment