DEG DEG: Madaxweynaha Puntland Oo Joojiyay Munaasabadii 8-da Janaayo, Kana Jawaabaya Colaada Sool

Puntland ayaa gabi ahaanba joojisay ,Munaabad caawo loogu dabaaldagi lahaa snadguurada 4-aad ee kaso wareegtay markii la doortay Madaxweyne Gaas, waxaana Munaasabada oo caawo baaqatay ay qabanqaabadeedu soo socotay todobaadyadii tagay.

Puntland24, ayaa ogaaday in sababta loo baajiyay Munaasabada ay tahay xaalada Colaadeed ee kaso cusboonaatay deegaanka Tukaraq ee ay la wareegen maamulka Soomaaliland.

Puntland ayaa doonaysa inay jawaab ka bixiso dagaalka Soomaaliland, waxaana jira abaabul Ciidan oo ka socda magaalada Garowe iyo nawaaxigeeda.

Madaxweynaha Puntland ayaa doonayay inuu safar ku aado magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, hasa yeeshe waxaa baaqday guud ahaan safaradaas, lama yaqaan in Farmaajo uu u safri doono Gaalkacyo iyo inuu soo gaabiyo safarkiisa oo uu dib uga noqonayo Garowe.

Waxaa jira Warar soo baxaya oo sheegaya in Soomaaliland ay Ciidamo iyo Hub badan keentay deegaanja Tukaraq ee gobolka Sool.

Si kastaba ha ahate, lama yaqaan halka xaaladan ay saldhigan doonto, waxaana gobolka Sool kaso cusboonaatay Xiisado Colaadeed.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment