Dhagayso Faysal Cali Waraabe:” Cidna Nagama Xigta Innaan Garowe Qabsano”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo ay qabsadeen Ciidamada Soomaaliland.

Faysal Cali Waraabe, ayaa hambalyo u diray Ciidamada Soomaaliland oo uu sheegay inay guul gaareen, waxaana uu xusay inay tartiib tartiib u qabsan doonaan Xuduudooda.

Wuxuu intaas ku daray inaysan jirin cid ka xigta inay qabsadaan magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, wuxuuna sheegay inay Soomaaliland Xuduudeeda soo xirayso.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi Cabdi ay qaaday talaabo muhiim oo ay ku boggaadinayaan.

Injineer Faysal Cali Waraabe ayaa Eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu sheegay inuu gacan siinayo Puntland.

Si kastaba ha ahate, arrimahan ayaa kuso aadaya xilli Soomaaliland ay maanta dagaal kula wareegtay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Hoos Ka Dhagayso Codka Faysal Cali Waraabe;

www.puntland24.net

 

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment