DEG DEG: Daawo Madaxweyne Gaas Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Soomaaliland

Madaxweynaha Puntland Cavdi Weli Maxamed Cali Gaas. ayaa Warbaahinta kla hadlkay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, waxaana uu ka hadlay qabsashada deegaanka Taleex.

Gaas ayaa sheegay in Soomaaliland ay duulaan cad kuso qaaday Puntland, isla markaana ay duulaankeda kuso beegtay xilli uu Putland safar ku joogo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Puntland, ayaa sheegay in duulaankan uu saldhig u yahay mid loogu hiilinayo dagaalka ay Puntland kula jirto Kooxaha Argagixisada ah.

Wuxuu intaas ku daray in ciidanka Puntland ay ku filan yihiin Difaaca Puntland, waxaana uu dadweynaha ka codsaday inay gacan siiyaan Ciidanka Difaaca Puntland.

Ugu dambayntii wuxuu sheegay iun Puntland ay jawaab ka bixin doonto Dulaanka Soomaaliland ay ku qabsatay deegaanka Tukaraq e gobolka Sool.

Maalintii shalay ayay ahayd markii Soomaaliland ay la waregtay gacan ku haynta deegaanka Tukaraq, waxaana maalintii 2-aad Tukaraq gacanta ku haya Ciidanka Soomaaliland.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Share this post

Post Comment