Bandhigga Sawirada: Dhismaha Wadada Isku Xirta Ceeldaahir Iyo Ceerigaabo Oo Meel Wannagsan Maraysa

Waxaa meel wannaagan maraya dhismaha Wadada isku xirta Ceeldaahir iyo Ceerigaabo oo lagu dhisayo Iskutashi dadweyne.

Puntland24 ayaa ogaaday in la dhisay 70-KM, halka ay dhiman tahay 18-KM oo kaliya, waxaana la filayaa in la dhamaytiso sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweynaha Puntland oo todobaadkan safar ku tagay Wadada, ayaa ku safray, wuxuuna indhiisa kuso arkay hannaanka ay wax u socdaan.

Jidkan safarkiisa oo bulshadu ay dhibaato xoog leh kala kulmi jityay, ayaa iminka safarkii uu soo fududaaday, waxaana muuqanaya in gobolada Sanaag iyo Hayland ay heleen jid wannaagsan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Daamurkii Laamiga ee Wadada uu dhowaan iman doono magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isla markaana Wadadan ay noqon doonto mid laami ah oo bulshadu ay si wannaagsan u isticmaasho.

Wadada Isku xirta Ceeldaahir iyo Xeerigaabo, ayaa ka mid ah Mashaariicda Miisaanka leh ee ka socda Puntland.

www.puntland24,net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: