DEG DEG+DHAGAYSO: Tartankii Ciyaaraha Maamul Goboleedada Ee Kismaayo Oo Baaqday, Sababta Ogow?

Tartankii kubada cagta maamul goboleedada Soomaaliya ee ka furmi lahaa magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa baaqday, kaasi oo lagu waday sida uu qorshuhu ahaa inuu maanta furmo.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in lagu firay dacaayado ah in loo diiday inay Kismaayo tagto, ka dib Warmurtiyeedkii Kismaayo ay kaso saareen maamul goboleedadu.

Waxay sheegtay inay tahay qof u dhaxaysa Soomaali oo idil, iyadoo ku faantay inay hadda ka hor ka dagtay magaalada Hargeysa oo dhaqaale Gurmad ah geysay.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in tartanku uu baaqday, balse waxay iska fogaysay inaysan wax shaqo ku lahayn baaqadashada kulanka.

Maamul goboleedada ayaa hakad galiyay wada shaqayntii ay la lahaayen Wasaaradaha dawlada Federaalka Soomaaliya, taas ayaa keentay inuu baaqdo tartank ciyaaraha oo dawlada Soomaaliya Wasaaradeeda ciyaaraha la filayay inay furto.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: