UPDATE: Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Oo Si La Yaab Leh Uga Hadlay Khilaafka U Dhexeeya Dawlada Federaalka Iyo Maamul Goboleedada

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa wareysi uu siiyay BBC-da waxaa wax laga waydiiyay sida uu u arko is qab qabsiga u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Samatar ayaa hadalkiisa ku bilaabay….”Labo arrin ayaa ii muuqda, mid waxaa weeyaan labada qolo gaar ahaanna qolooyinka gobollada jooga ee madaxda sheeganaya intooda badan ma fahansanna waxaan lugu leeyahay nidaamka federaalka ” Federal System” wuxuu yahay, nidaamka federaalka wuxuu qeexaya inay dowladda dhexe awood fara-baddan ay leedahay oo aynan gobollada soo dhexgali karin oo ay gaashandhigga ka mid yahay, uu ka mid yahay miisaaniyadda waddanku uu ka mid yahay amuuraha dibadda iyo wixii la caanna maalla , marka taasi in la isku daayo ayaa haboonan lahayd”.

Wuxuu intaas ku daray”…. Waxaa kalo jira fahan la’aanta gobollada taalla waxaa barbar taalla qaybo ka mid ah dowladda dhexe oo ay dilaaliin fara badan ku jiraan oo doonaya siyaasadda inay gacan maroojiyaan kolba sida ay doonayaan ka dhigaan, masalan waxyaabaha isoo gaaraya waxaa weye gaar ahaan gobolka Galmudug in dowladda dhexe qaar ka mid ah iyo madaxtooyadda qaar ka mid ah gacanta kula jireen ayaa si rasmi ah isoo gaartay oo dad lugu kalsoonyahay oo imaan-lihi warka isoo siiyeen, marka kuwa in laga xakameeyo.

Samatar ayaa hadalkiisa sii watay, waxaana uu yiri…’’Qolooyinkan dowlad-gobolleedyadana in la dhaho waa inad fahantaan xaq waxay u leedahay dowladda dhexe inaydan ka hadli karin , oo rag Baarlamaan iyo dumar Baarlaamka oo gobollada laga soo doortay ayaa jooga oo gobollada matala ee kalbo gobol ma qabsan karro dowladdii dhexe’’.

Wuxuu sheegay haddii xaaladu ay sidan ku socoto ay soo bixi doonto natiijadii horay uso bixi jirtay.

Isagoo arrintaas ka hadlaya wuxuu yiri….”Inta qolooyinka siyaasiyiinta fuushanyihiin bulu-baruufka oo ay iyagu is qabqabsanayaan waxaa lumey dhismaha dowlad-nimo ama gobol ha noqoto ama tan dhexe ha noqote , waxaan islahaa dhibka iyo dhiilada ka dhacday Muqdisho maalintan dhaweyto iyo dadka Soomaaliyeed sida ay meel walba uga soo qayliyeen inay ka waantoobi doonan is heys heysiga siyaasiyiintu, laakinse waxaa la yiri ‘’Caduur dhow dhowduba uma dhacsana ” wixii dhici jirey ayuunba dhaceysa waa la jiitami Soomaalina meel gaari meyso qaranimana dhismi meyso.

Ugu dambayntii Samatar ayaa sheegay…‘’ Marka dad weynaha Soomaalidu waa inay fahmaan meel walba ay joogaan sidii ay maalintii dhaweyd ay uga soo qayliyeen masaakiinta sida loo gumaadey, inay codkooda muujiyaan si labada qoloba kuwa dhexe ee dilaalinta ku dhexjira looga saaro, kuwa gobollada jooga ee aan fahansaneen federaalka intey edeb yeeshaan sharciga wuxuu oggal-yahay sameeya, Haddii dadku sida isku abaabuli waayaan oo ay ka diirin waayaan, sidii aan horey usoo dhutineyneyn oo aan meelna ku gaareyn ayaan waligeen ku jireena.”.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: