Bandhigga Sawirada: Maxay Sameeyen Soomaalida Ku Dhaqan Wadanka Hindiya?

Soomaalida ku dhaqan wadanka Hindiya, gaar ahaan magaalada Hyderabad ayaa isugu yimid kulan ay ugu ducaynayeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoope.

Kulanka ayaa sidoo kale loogu mahadceliyay dowlada Turkiga sida ay u garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana soo qaban qaabiyay Somali Centre Point ama Barta Somalida Kulmisa.

Intii kulanku uu socday ayaa waxaa laga jeediyay Khudbado ku aadan dhubaatadii dhacday iyo sida looga garaabi karo, xilli qarixii ZOOBE uu ahaa qarixii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka.

Waxay sida ugu adag u cambaareeyen falkaasi foosha xumaa, waxayna sheegen inay ka go’an tahay inay taageeraan Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn Soomaaliya ayay u rajeeyen wannaag iyo hormar, waxaana ay isku raaceen in Soomaaliya ay maalin uun dhibta ka bixi doonto INSHA ALLAAH.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: