Bandhigga Sawirada: DaawoTababare Sare Maxamed Cumar Oo Tababar Sare Ku Qabtay Boosaaso

Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cabdi Salaan Bashiir ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu soo xiray  tababarkii ku saabsanaa Public Speaking, Resume Tailoring iyo Interview Skills oo muddo ku siman laba maalmood ka socday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Tababarka ayaa waxaa bixiyay tababare sare Maxamed Cumar oo ah tababare caan ka ah gayiga Soomaaliya, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed xiiseeyaan.

Waxaa tababarka ka qayb galay 130 qof oo isugu jiray rag iyo dumar, waxaana tababarka suuragliyay qabsoomidiisa Jaamacadda Bosaso, Shirkadda Golis, iyo Maktabadda Al-Risalah.

Dhalinyradii ka qayb galay tababarka ayaa si wannaagsan uga faa’iidaystay mudadii uu socday, waxayna mahadcelin balaaran u jeediyay tababare sare Maxamed Cumar.

Ugu dambayntii Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Cabdi Salaan Bashiir, ayaa boggaadiyay tababarada caynkan oo kale ah, waxayna u mahadceliyeen Maxamed Cumar.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: