Guddoomiyaha xiriirka Mini Football ee gobolka Mudug Oo Si Wayn Gaalkacyo Loogu Soo Dhoweeyay+Sawiro

Magaalada Gaalkacyo, waxaa lugu soo dhaweeyay oo dib ugu soo noqday guddoomiyaha xiriirka kubadda cag-yaraha Mini Football ee gobolka Mudug, Cabdiqani Khaliif Carabey iyo labo ciyaaryahan oo ka qaybgalay tartanka koobka adduunka ee xiriirka Mini Football  oo sannadkan lugu qabtay dalka Tunisia.

Ilaa 24 dal oo ay Soomaaliya ka mid ahayd ayaa sannadkan ka qaybgalay koobka adduunka ee garoomadda gaaban oo u qabto xiriirka Mini Football, sannadkan waxay ahayd markii ugu horreeysay oo tartanka ay ka qaybgalayso Soomaaliya.

Inta uu socday kooxda mataleysay Soomaaliya ayaa la ciyaartay kooxihii matalayay waddamada Barazil, Ruushka iyo Bosnia , waxaana tartanka Soomaaliya ku matalayay ciyaaryahanno ka yimid, waddamada Yurub, Canada iyo Marekanka, halka labada ciyaaryahan oo dalka ka tagay ay ka mid ahaayeen kooxda qaranka Soomaaliya.

Guddoomiyaha xiriirka Mini Football ,Cabdiqani Carabey oo hoggaaminayay labada ciyaaryahan ee kooxda Soomaaliya ka mid ahaa, ayaa aad u ammaanay hab dhaqanka iyo bandhigii wanagsana ee ciyaartoyda ay muujiyeen inta uu tartanka socday, wuxuu sheegay guddoomiyaha inay ahayd markii ugu horreeysay oo kooxda qaranka Soomaaliya ay ka mid noqdaan ciyaaryahanno ka tagay Puntland gaar ahaanna gobolka Mudug magaalada xarunta u ah ee Gaalkacyo.

“Waxana mudan oo tariikh ah labada ciyaartooy oo xulka Soomaaliya u ciyaray oo muujiyay aqlaaq iyo ciyaar wanagsan oo ay soo bandhigeen dhammaan kulamadi ay ciyaareen labada wiil Maxamed Faarax oo sannadkan ku guuleystay ciyaaryahanka Puntland  iyo Cabdullaahi Mangaala oo isna ka mid ah kooxda qaranka Puntland,waanna markii ugu horreeysay ciyaartoy Puntland ah ay xirtaan funnaanada xulka  Soomaaliya  ee Somali Mini Football.” ayuu yiri guddoomiye Carabey oo inta ku darray “Waxaa mudan oo aan marnaba la hilmaami karin xiriirka Somali Mini Football Association oo inoo muujiyaay in ay ka qaybgalaan labadaan wiil oo Soomaaliya oo dhan laga xulay kana baxeen inta kalama dibadda laga keenay waa mid guul ah fursada la siiyaay labada dhallinyaro reer Puntland ah.”

Guddoomiyaha wuxuu u mahadceliyay dadkii fududeeyay in labada ciyaaryahan ay tagaan dalka Tunisia oo tartanka lugu qabtay, wuxuu si gaar ah usoo hadal qaaday shaqsiyaadkii iyo shirkadihii ka caawiyay dhaqaalaha safarkooda ku baxay, isagoo marka magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya Marekanka, Axmed Ciise Awad, Safiyo Baasey, Cabdirashiid Xasan Xirsi , shirkadda isgarsiinta Somtel Puntland iyo xawaaladda Amal qaybteedda dalka Canada.

“Dadkaas ayaa naga caawiyay safarkii Tunisia la’aantoodana suurta gal aheen in aan ka qaybgalno,tartanka haddii aan garab ka heleen bulshadaas qiimaha leh ina caawiyay, waxaan kalo mahad iska leh alle oo si nabad ah dalka dib aan ugu soo laabanay, waxaana soo dhaweyn qiimo leh inuu sameeyay bulshada gobolka Mudug oo u hormuuda u yahay guddoomiyaha dhallinyarada Yacfar Yuusuf Cabdalla iyo bahda isboortiska gobolka Mudug , xildhibaannada Puntland ku matala gobolka Mudug oo si wanagsan noogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, dhammantod aad ayaan uga mahadcelinaya.” ayuu yiri Carabey.

Gabagabadii, guddoomiyaha xiriirka Mini Football ee gobolka Mudug Cabdiqani Carabey wuxuu u mahadceliyay wasiirka wasaaradda cayaaraha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh oo u sheegay inuu u fududeeyay inay ka qaybgalaan tartanka , wuxuuna sheegay fasax la’aantiisa ah inaysan u suragasheen ka qaybgalka tartanka, dhinaca kale wuxuu ammaanay guddoomiyaha xallinta khilaafadka gobolka Mudug, Axmed Timaxeer oo u sheegay inuu door wanagsan ka qaatay safarkooda.

Hoos Ka Daalaco Sawirada:

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: