Faallo: Madaxweye Farmaajo Xoog Iyo Xaalad Maku Xalin Waayay Shirka Kismaayo?

Madaxweyne Farmaajo labo inuu kala doorto ayaa u banaaneyd, in uu joojiyo Shirka Kismaayo ama in uu ka qeybgalo, labadaasi wax ka dhexeeya oo doorasho fiican noqon kara ma garan karo!

Labadaasi tillaabo kala doorashadeedu waa mid ku xiran hadba tan uu awoodo, hadii aadan joojin karin Shirka, adoo shir guddoon ka ah oo tallada wax ku leh, ayaa xakameyn kartaa in ragaadku fogaado! kadibna waxa abuurmi kara jawi wadatashi.

Hore waa u dhici jirtay Khilaaf soo kala dhexgala Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada qaar, Laakiin hada maamulladii oo dhan baa la is haya oo shiraya, ma’aqaan siday ku dhacday in Dowladda aysan mid ama labo ku yeelan dowladd gobolleedyada!

Hogaamiyayaasha shiraya waxay metelaan in ka badan 10 Gobol oo ka mid ah 18-kii Gobol ee Soomaaliya, hadii aan si kale xisaab ugu sheego waxaa ka maqan Gobollada Somaliland la baxay iyo Gobolka Banaadir oo keliya! Ma ahan aqlabiyad la inkiri karo!

Markay halkaasi joogto Siyaasadu waa Xoog iyo xeelad labadaasi wax u dhexeeya haday jiraan idinku ii sheega? Hadii uusan xoog suuragal aheyn Siyaasad ahaan iyo Farsamo ahaan, fursada furan waxaan u arkaya xeelad in wax lagu xaliyo oo la isu tago.

*- Waxaan Xasuustaa Madaxweyne Shiikh Shariif oo Garoowe ka degay isagoo ka qeybgalaya Shirkii Dastuurka, markii Puntland Warbaahinta ka sheegtay in shirku Beri furmayo xitaa hadii aanay iman Madaxda Federaalka.

*- Doorashadii Jubbaland markii Baarlamaanku uu doortay Axmed Madoobe, iyadoo xiligaasi aysan isku fiicneyn Madaxweyne Xasan iyo Madoobe oo xitaa la isku qabtay qabsoomida Doorashada, hadana Madaxweyne Xasan wuu tegay Caleemasaarkii iyadoo su’aal ka taagneyd in uu tegayo iyo inkale?

*- Xiligii doorashada 2016-2017 markii 4.5 la isla qaatay Madaxweyne Gaas iyo garabkii diidanaa 4.5, iyagoo Gobollada ay metellaan loogaga kacsanyahay oo dibad baxyo socdaan ayeey tageen shirkii Madasha ee Muqdisho.

*- Madaxweynihii hore ee Galmudug Guuleed iyo Madaxweynaha Puntland Gaas, iyagoo ciidanka labada dhinac isleynayaan ayeey isla fadhiyeen waxay ka tashadeen sidii ay nabad u gaari lahaayeen.

*-Wadahadalka Somaliland wax-badan ayeey ka tanaasushay Dowladda Federaalka.

Xasuustaydu waxay ii sheegaysa in Soomaaliya heerkan kusoo gaartay wadatashi iyo isfahan, ma jirto hogaamiye siduu u rabo wax walba u hirgalaan heer Federaal iyo heer maamulba, labada dhinac maamullada iyo Dowladda dhexeba tanaasulka waa laga rabaa.

Hada hadii wax walba dhaceen lanna kala fogaaday oo ay maamull gobolleedyadu dhexdooda ka sameysanayaan hogaan, Tallada xigta waa in Dowladda ay Shirka Kismaayo kadib gogol dhigto Muqdisho, la wadatashado la isi saxo, waa in wixii la isla ogolyahay laga wada shaqeeyo wixii kale ee la isku hayona laga wada tashado oo ay ugu horeyso qodobada Dastuuriga ah ee dhinacba si u fasirtay!

Qaranimadii iyo Dowladnimadii Soomaaliyeed wa sida gacan dabbin inooga dhacday, xoog ama degdeg hadii loo soo dhufto gacantu wa go’aysaa, waxay u baahan-tahay Basar iyo Xeelad in loo soo saaro!

Waxba ina taramayso in aad Muqdisho iyo Kismaayo kala fadhidaan, oo dadka idinla kala safana ay noqdaan Mucaarad dhega la’a oo wax duminaya iyo Muxaafid indho la’a oo wax difaacaya.

Kolay waa isu iman doontaan oo waa heshiin doontaane, in la idin heshiisiiyo idinkoo garba siman ah waxaa ka doorataan in aad heshiisaan idinkoo tixgelin, xurmo iyo kala sareyn sharci isu haya.

Jaamac Dabaraani.

Faafin Puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: