Waa Kuma Ciyaaryahanka Doonaya Inuu Madaxweyne Noqdo?

Wararka naga soo gaaraya wadanka Liberia, ayaa sheegaya inay bilaabatay tirinta codadka, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horaysay oo si Dimuqraadiyad ah xilka la isugu wareejin doono.

Inkastoo qaladaad ay dhaceen haddana gudiga doorashooyinka waxay sheegeen in si wanaagsan ay wax u socdaan.

Tirida dadka u soo baxay doorashadan ayaa aad u badan. Haweeneyda xilka ka sii dagaysana waxay ku baaqday in si nabad ah loo codeeyo.

Labaatan musharax ayaa ku tartamaya doorashadan. Waxaa ka mid ah ciyaaryahan hore George Weah, waxaa lagu tilmaamay George Weah inuu tartankiisu aad u xoogan yahay marka loo eego musharixiinta.

Natiijada in si dhaqso ah loo shaaciyo ayaa waxaa dib u ridi kara wadooyinka oo aad u liita, waxaana Haweeneyda xilka ka sii dagaysa Sirleaf ayaa xafiiska qabatay sanadii 2003-da.

Dalka Liberia ayaa kaso kabtay dagaalkii Sukeeye ee mudada badan ka jiray, waxaana uu hadda cagta saaray Wadada Dimuqraadiyada.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: