Maxaad Ka Og Tahay 23 Wadan Oo Uso Baxay Koobka Adduunka Sanadka 2018-ka?

Waxaa xalay la ciyaaray kulamo qeyb ka ah is reeb reebka loogu soo baxayo koobka aduunka ee xagaaga 2018-da lagu qabanayo Russia

Qaramada xalay soo baxay waxaa ku jira Portugal ,France ,Brazil , Uruguay , Argentina iyo Colimbia

Peru oo South America ah ayaa bisha November laba is arag oo Play Off ah gurigeeda iyo banaankeeda la ciyaareysaa New Zealand halka Honduras iyo Australia-na ay ciyaarayaan isla bishaas si laba qaran ay uga soo baxaan

Hadaba bogga FIFA ayaa shaaciyay 23 dal oo illaa haatan si rasmi ah ugu soo baxay koobka aduunka oo qeybta ka ah 32-ka dal ee la filayo in tartankaas koobka aduunka ee 2018-ka ka qeyb galaan waxa ayna kala yihiin

Russia oo ah dalka marti gilinaya , Brazil ,Iran ,Japan,Maxico , Costa Rica,Kuuriyada Koonfureed , Saudi Arabia ,Jarmalka,Ingiriiska,Spain, Nigeria , Belgium ,Poland ,Masar ,Iceland,Bosnia ,Portugal ,France ,Uruguay ,Argentin,Colombia iyo Panama.

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: