Kooxda Soomaaliya ku matalaya tartanka Mini-Football oo kulankii labaad ciyaarey+Sawiro

Filed under: Ciyaaro,Somalia,Wararka Maanta |

Koox kubadda cag-yaraha  oo matalaya Soomaaliya ayaa qayb ka ah 24 dal oo sannadkan ka qaybgalaya tartanka oo u qabto xiriirka Mini-Football,waxaana martigaliyay dalka Tunisia.

Ciyaartii labaad ayaa kooxda Soomaaliya ay ciyaartay Isniintii,iyadoo kulankii ugu horreeyay ee Axadii qabsoomey ay Soomaaliya ciyaartay kulankii ugu horreeyay kaas oo natiijo wanagsan ay ka gartay,markii xulka Brazil ee tartanka qaybta ka ah si dirqi ah uu ku badiyay,kulanka oo ku dhammaadey 3-2 ku adkaatay Brazil.

Kulankii labaad ee Isniintii qabsoomey kooxda Soomaaliya waxaa ay la ciyaareen Russia, kulanka waxaa ay guusha raacdey Ruushka.

Xaaji Aadan Cabdulle Mahdi, xog-hayaha guud ee xiriirka Kubadda Cag-yaraha ee Soomaaliya wuxuu ku sheegay ka qaybgalka tartankan inay wax weyn u tahay Soomaaliya, oo markii ugu horreeysay tartanka ka qaybgalaysa.

Tartanka waxaa ku matalaya Soomaaliya ciyaaryahanno Soomaali ah oo ka yimid waddamo badan oo caalamka ah,waxaana ka mid ah ciyaaryahanno ka tagay Soomaaliya.

Xiriirka Mini-Football, ayaa ballan-qaaday in ujeedku yahay sidii gobollada oo dhan ee gudaha Soomaaliya ciyaaryahannada ka ciyaara ay ugu  ka faa’iideysan lahaayeen tartamada Mini-Football-ka,taaso keentay markii ugu horreeysay ciyaaryahanno ka socda Puntland inay matalaan Soomaaliya.

Labo ciyaaryahan oo ka ciyaara heerka koobaad ee Puntland, gaar ahaanna gobolka Mudug ayaa qayb ka ah kooxda Soomaaliya ee tartanka ka qaybgalaya,waxaana la sheegay dadaal uu xiriirka sameeyay inay ku timid fursada ay u heleen ciyaaryahannadan inay matalaan Soomaaliya.

Cabdiqani Khaliif Carabey, guddoomiyaha xiriirka Mini-Football ee gobolka Mudug ayaa isagoo ka hadlay labada ciyaaryahan ,wuxuu sheegay inay muddo ka shaqeynayeen sidii labada ciyaaryahan ay tartanka uga qaybgali lahaayeen,wuxuu u mahadceliyay cid walba oo qayb ka ahayd ciyaaryahannada inay tagaan dalka Tunisia oo u tartanka ka socda.

” Wax fudud ma ahayn in ciyaaryahanno ka tagay Soomaaliya, gaar ahaanna Puntland inay tartanka ka qaybgalaan,muddo ayaan ku dadaalney taaso suuragashay.”

“Waxaan la qarin karin cid walba oo qayb ka ahayd labada ciyaaryahan inay tagaan Tunisia, waxaana rabaa halkan inan ka caddeeyo oo u mahadceliyo,  Ambassador Axmed Ciise Awad, safiirka Soomaaliya ee Marekanka oo bixiyay $500doollar, shirkadda Xawilada  ee dalka Canada oo bixisay $500, Cabdirashiid Xasan Xirsi Baki oo bixiyay $1.000  doollar ,shirkada caalamiga ee isgarsiinta  Somtel Telecom Puntland Somalia oo ku deeqday  $2.000, Safiyo Baasey oo ka mid ah gabadha Puntland ee horumarka ka shaqeeya oo bixisay $500.” ayuu yiri guddoomiye Carabey oo ammaanay dhammaan dadkii dhaqaalaha ku bixiyay ciyaaryahannada inay tagaan Tunisia.

Guddoomiyaha ayaa sheegay safarkooda diyaaradda inay ku baxeyso tagiska iyo soo noqoshadooda $4.000,  wuxuu kalo oo yiri .” “Waxaa kaloo nagu dhacday Dubai marka nimid in diyaaradi Dubai iyo Tunisia naga tagtay oo  ganaax nagu dhacay, ganaaxas oo dhan $850 doollar oo nalaga qaaday,waxaana ku tagney Tunisia , inta waxaa dheer inta aan ku sugneyn garoonka Dubai inay nugu baxdey  $350 doollar, wuxuu yahay dhammaan lacagta nugu baxdey $ 5.200 oo doollar , taageerrada iyo lacagta aan helney waxay ahayd  $4.500 waxaana deen nagu harsan $700 , intaan dhan waxaan u caddeeynaya inan wargaliyo dadka horumarka jacel ee ka qayb-qatay, waxaana caddeeynaya in aysan jirin dhaqaalo inta ka badan oo aan helnay.”

Gabagabadii, Soomaaliya ayaa kulanka u dambeeya la leh xulka Bosnian oo ay Arbacada wada ciyaarayaan , waxaa xusid mudan in aad loo ammaanay kooxda Soomaaliya ku mataleysa tartanka, dadkii aadka u ammaanay waxaa ka mid ah macallinka kooxda Brazil ee tartanka ka qaybgalaya.

 
 www.puntland24.net
Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *