Maxay Qaramadu u Fashilmaan? W/Q Cumar Shaafi

Filed under: Maqaalo,Somalia,Wararka Maanta |

Dhawaan waxan akhriyey buugga caanka ah ee la yidhaa “Why Nations Fail” af-Soomaalina ku noqonaya “Maxay waddamadu u fashilmaan?” Waxa qoray Daron Acemoglu iyo James Robinson. Waa buug gudbinaya xog qiimo leh isla markaana ay ku duugan yihiin casharo anfici kara cid wal oo u diyaar ah in ay waddankooda horumariyaan ama ugu yaraan ka badbaadiyaan burbur, saboolnimo iyo nolol tayadeedu liidato.

Qoreyaashu waxay sameeyeen daraasado socday muddo ku siman 15 sanno, sidoo kalena waxay soo xigteen baadhitaano ay qoreyaal kale sameeyeen, si ay uga jawaabaan su’aasha ah “Waa maxay sababta ay waddamada qaar u yihiin qani kuwo kalena sabool, waddamada qaar caafimaadku ugu badan yahay kuwo kalena cudurku, ummadaha qaar cunto ku filan uga dhargeen kuwo kalena u gaajoonayaan?

Maxay tahay sababtu. Ma cimilladaa? Ma dhaqanka bulshadaa? Ma dabeecadda deegaankaa? Ma aqoon-darro siyaasadeedbaa?
Maya. Arrimahaas midkoodna maaha sababaha is dhaafiyey ummadaha adduunka ee ay qaarna taxadka u yaallaan kuwo kalena cirka u marayaan. Bal is weydii sababta ay Botswana u tahay waddamada dunida ugu korriinka badan halka waddamo kale oo Afrikaan ah sida Zimbabwe, Congo iyo Sierra Leone u yihiin dalal fakhriga iyo colaaduhu dishoodeen; sababta Waqooyiga Ameerika uu uga qanisan yahay Koonfurta Ameerika.

Acemoglu iyo Robinson cilmi-baadhistooda kuma salayn wakhtigan casriga ah oo kali ah laakiin waxay sidoo kale daraaseeyeen ilaa boqortooyooyinkii hore iyo maamulo qarniyo ka hor jiray oo meesha ka baxay sida tii Roomaanka iyo xaddaaraddii Maya ee ka jirtay Badhtamaha iyo Koonfurta Ameerika.

Sababta ugu muhiimsan ee waddamadu u fashilmaan waxay qoreyaashu ku sheegeen in ay tahay siyaasadda iyo dhaqaalaha oo loo dhammaan waayo iyo hay’adaha dawliga ah oo noqda kuwo cid gaar ahi ku danaysato loona adeegsado in dhaqaalaha waddanka soo gala badankiisa lagu lunsado. Taas caksigeeda, waddamada iyo xaddaaradaha guulaystay dhammaantood waxay ka siman yihiin in hay’adahooga dawliga ahi yihiin kuwo loo siman yahay, loo dhan yahay, isla markaana suurto galiya in siyaasadda laga wada qayb galo dhaqaaluhuna baaho oo muwaadiniinta oo dhan wada gaadho.

Mid ka mid ah tusaaleyaasha ugu xiisaha badan ee buuggu soo qaatay waa qowmiyadda Kuuriya. Waa dad isku mid ah, isku dhaqan ah, isku af ah, isku cimilo ah, sina aan u kala duwanayn. Haddana Koonfurta Kuuriya waxay ka mid tahay waddamada adduunka ugu dhaqaalaha wanaagsan halka Waqooyiga Kuuriya ay ka mid yihiin dadyowga adduunka ugu saboolsan uguna nolosha liita.

Sababtu wax kale maaha. Koonfurta Kuuriya waxay hay’adaheega ka dhigtay kuwo loo siman yahay, bulshada oo dhana u adeegga. Muwaadiniinteeda waxay siisay fursado isku mid ah haddii ay tahay dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca siyaasaddaba. Qof kasta guushiisu waxay ku xidhan tahay hadba inta uu fikir iyo dedaal la yimaad. Sidoo kale, waxay dhiirigelisaa isla markaana abaal marisaa hal-abuurka bulshada, waxaanay dejisay siyaasad muwaadin kastaaba uu qaybtiisa ka helayo wixii barwaaqo waddanka u soo korodha. Madaxda Koonfurta Kuuriya waxa loo doortaa si dimuqraadi ah, waa xukuumad lala xisaabtamo, awoodda ugu bandanna waxa leh cashuur-bixiyeyaasha.

Laakiin Kuuriyada Waqooyi hay’adaheeda dhaqaaluhu cid gaar ah ayay u xidhan yihiin. Tiro yar oo kooban ayaa awooddi dalka cunaha isaga duubtay, dhaqaalihiina afka u dhigatay iyadoo dadka intiisii ugu badnayd gaajoonayaan. Xukuumaddu maaha mid dadku la xisaabtami karaan, fursadaha ay dadweynuhu helaana isma beddelaan mana kordhaan. Taasi waxay sababtay in waddankaasi uu tobonnaan sanno ku sifoobo fakhri, cadaadis dadweyne, rajo la’aan siyaasadeed iyo dhaqaale aan ka soo raynayn iyo in uu sii xumaado mooyee.

Tusaale labaad waa Zimbabe oo uu ka taliyo nidaamka kalitalisnimo u dhaw, hay’adihiisa dawliga ahina yihiin kuwo ay dad gaar ahi ku qadhaabtaan oo dadka intiisa badan kaga sarreeyaan. Sannadkii 2008 dakhliga qofkiiba soo galaa wuxu kala badh ka yaraa dakhliga qofkiiba soo gali jiray markii ay xornimada qaateen 1980. Shaqo la’aantu waxay 2009kii istaagtay 94%, sicir-bararkuna wuxu gaadhay meel aanu gaadhin waddan kale. Botswana oo ay xad wadaagaan dadkeedu waxay ku naaloodaan dhaqaale heerkiisu sarreeyo, xorriyad iyo nolol tayo leh.

Caawimooyinka beesha caalamka ayaa iyaguna saamayn xun ku yeesha waddamada saboolka ah maadaama dhaqaalaha lagu caawiyaa intiisa ugu badan aanu gaadhin dadkii loogu talo galay. Tusaale ahaan Afgaanistaan oo dunidu ku caawiso balaayiin doollar qoreyaashu waxay sheegeen in 10% kali ahi gaadhaan dadkii baahnaa ee lagu caawinayey.

Su’aasha muhiimka ahi maxaa saacidi kara in waddamadu korriin sameeyaan kana badbaadaan burbur bulsho iyo mid dhaqaale. Acemoglu iyo Robinson waxay aaminsan yihiin in jawaabtu tahay siyaasadda iyo dhaqaalaha oo muwaadiniinta oo laga wada qayb galiyo lagana digtoonaado in cid gaar ah la go’doomiyo ama la dayaco. Sidoo kale in hay’adadha dawliga ah laga dhigo kuwo muwaadiniinta oo dhan danahooga si siman ugu adeegga, cid gaar ah aan gacanta ugu jirin, qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhamina iska dhex arkaan.


Intaas waxa soo raaca, dawladdu in ay abuurto jawi iyo shuruuc ku habboon ganacsiga iyo maalgashiga, in qandaraasyada loo maamulo hab caddaali ah, xuquuqda lahaanshaha hantida gaarka ah la sugo, sharciga iyo kala dambayntana la adkeeyo. Maalgelinta khayraadka dadka sida waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka ayaa iyaguna door fiican ka qaata horumarka dal walba iyo koritaan dhaqaale oo raandhiis leh.
Ugu dambayn, Acemoglu iyo Robinson maaha qoreyaashii ugu horreeyey ee arrimahan iftiimiya, waxayse sii faahfaahiyeen isla markaana xoojiyeen fikradihii ku duugnaa buugaagta ka horraysay ee kala ah Bottom Billion Theory (2007), Style of Diamond (1997) iyo McNeil’s Principles of Macroeconomics (1963).

Waxa xusid mudan buuggani in aanu dhaliil la’ayn nuxurkiisuna aanu intan ku dhammayn. Waxan halkan ku soo bandhigay intii aan ka gaadhi karayey. Sidaa daraadeed waxan akhriste kugu dhiirigelinayaa in aan adigu toos u akhrisato kana bogato farriimaha iyo casharada uu xambaarsan yahay ee faraha badan.

W/Q: Xasan Cabdi Shire
shire202@gmail.com

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *