DEG DEG: Shirkadda DP WORLD Oo Maanta La Wareegaysa Dekeda Boosaaso

Filed under: Somalia,Wararka Maanta,Xulka Puntland |

Shirkadda DP WORLD, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegaysa Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Munaasabad balaaran oo shirkadda DP WORLD, ay kula wareegayso Dekeda ayaa maanta lagu qabanayaa gudaha Dekeda, waxaana socda qabanqaabada Xaflada.

Puntland ayaa shirkadda DP WORLD la gashay heshiis 30-sano ah, kaasi oo ay ku balaarinayso Dekeda magaalada Boosaaso, waxaana Dekeda Boosaaso ay ka mid noqonaysaa Dekeda ay maamusho shirkaddu.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage, ayaa dhowaan sheegay in Dekeda Boosaaso ka dib marka la dhiso ay noqonayso Deked caalami ah oo ay Maraakiib waawayn kuso xirtaan.

Wararka Munaasbada Dekeda oo faahfaahsan waan idiin soo gudbinaynaa.

www,puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *