Sawiro: Puntland Oo Hawlgaladii Ugu Cuslaa Ku Qaaday Shabaab Iyo Daacish

Ciidamada PSF oo kaashanaya ciidamada PMPF, ayaa wada hawlgalo culus oo ay ku baacsanayaan Kooxda Shabaab ee ku dhuumalaysta Buuralayda Bari iyo Sanaag.

Hawlgalada oo maalmihii ugu dambeeyay si habsami leh u socday, ayaa ciidanku ay ka gaareen guulo waawayn, ka dib markii ay Shabaab iyo Daacish ka saareen deegaano ay ku dhuumaalaysan jireen.

Ayaanle Faarax Dheere oo ah Sarkaal ka tirsan ciidanka PMPF, ayaa sheegay in ciidanku ay gaareen qaybo ka mid ah hadafkooda, isla markaana ay doonayaan in guud ahaan Shabaab laga saaro dhulka Puntland.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa hawlgalkaan duqeymo Dowladda Mareykanka oo kaashanaysa ciidamada PUNTLAND ka fulisay Godod iyo BUURO la rumaysan yahay inay ku dhuumaalaystaan Saraakiisha kooxda DAACISH.

Hawlgaladda ciidanka PSF iyo PMPF ayaa si aan kala go’ lahayn uga socda Buuraha Silsiladda GOLIS, Calmadoow illaa iyo Cal miskaad.

Waxaa hawlgalkan u yimi ka dib markii dawladu ay go’aansatay inay guud ahaan soo afjarto Kooxaha Shabaab ee ku dhuumaalaysta qaybo ka mid ah Buuraha Buuraha Silsiladda GOLIS, Calmadoow illaa iyo Cal miskaad.

Si kastaba ha ahate, hawlgaladan ayaa si wayn looga dareemay gobolada Puntland, waxaana ay si xoog leh u socdeen maalmihii tagay.

Hoos Ka Daalaco Sawirada:

www.puntland24.net

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: