Maxaa Ka Soconaya Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug?

Ka dib markii Roob uu ka da’ay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa dhalinyarada Puntland, ay bilaabeen inay biyaha fariistay Waddooyinka ay banneeyaan.

Ol’ole ay qaadeen ayay maalmihii ugu dambeeyay ku guulaysteen inay isbadal ku sameeyaan biyihii wasakhda ahaa ee fadhiyay Waddooyinka magaalada.

Waxay ku shubeen biyaha Ciid, waxayna isbadalay Muuqaalkii dhulka, isla markaana waxaa dib uso baxay bilicdii magaalada Gaalkacyo.

Dhalinyaradan ka shaqaynaysa hormarka magaalada Gaalkacyo, ayaa caan ku ah inay iskood isu xilqaamaan, isla markaana ay hormarka magaalada ka shaqeeyaan.

Waxay dhowaan ku qabteen magaalada shir ay isugu yeeren dhalinyarada Puntland, kuwaas iska dhexdoortay hogaan, kuna balamay inay wannaaga iyo hormarka horseed u noqdaan.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa ah magaalo amaankeedu uu soo hagaagayo, waxaana isbadal muuqada ku sameeyay dhalinyarada.

Si kastaba ha ahate, dhalinyarada ka shaqaynaysa hormarka ayaa waxaa loso jeediyay amaan boggaadin iyo boggaadin.

www.puntland24.net

 

Share on Facebook

Comments

comments

Advertisement

No comments.

Leave a Reply

%d bloggers like this: